Daawo Sawirro : Qaraxyo ka dhacay meel ku dhow Garoonka Muqdisho.

22Qaraxyo Xooggan ayaa maanta duhurkii ka dhacay Hotelka Peace ee kuyaalla Nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyada oo ahaa kuwo aad u xooggan ayaa waxyeello xooggan gaarsiiyay Hotelka Peace. Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxydaasi, iyadoona xustay inay beegsatay Hotel ay ku sugnaayeen Saraakiil Shisheeye ah oo ka socda dowladaha reer galbeedka.