Beesha Cowramale Oo Ugaas Cusub Ku Dooratay Duleedka Kismaayo. (Sawirro)

ugaas-cawro-male6-640x416Idaacadda Andalus ayaa ka qayb gashay Xaflad ay soo agaasintay Beesha Cowramale oo ka mid ah beelaha dega wilaayada Jubbooyinka,  xafladdaasi oo lagu caleemo saarayay ugaas cusub oo beeshaasi yeelatay.
Xafladdan oo ka dhacday deegaanada duleedka Kismaayo ayaa waxa kasoo qayb galay salaadiinta gobolka iyo xubno ka tirsan wilaayada Jubbooyinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada beesha Cawromale. waxana halkaasi si fiican loogu soo dhaweeyay ugaaska cusub ee beesha Cowromale Ugaas Cabdilqaadir Maxamed Cali.
Magacaabista ugaaskan cusub ayaa ka dambeeyay kulan dhex maray beesha Cowromale iyo wilaayada Jubbooyinka kulankaasi oo ay kasoo baxeen 11 qodob oo lagu heshiiyay, waxana qodobada ka mid ahaa in beeshu soo doorato ugaas cusub oo shareecada Islaamka ku hogaamiya. waxayna dadaal kadib soo doorteen Ugaas Cabdilqaadir Maxamed Cali.
Halkan Ka Dhageyso Barnaamijka Faafreeka Xalay Oo lagu soo qaaday Hadaladii Xafladda Ka baxay.

Ugaas cawro male3Ugaas cawro male4Ugaas cawro male5Ugaas cawro male6Ugaas cawro male7Ugaas cawro male8Ugaas cawro male9Ugaas cawro male11Ugaas cawro male12Ugaas cawro male13Ugaas cawro male15Ugaas cawro male19Ugaas cawro male20

Leave a comment

Your email address will not be published.


*