WARARKA

Ku dhawaad 20 Askari oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose.

dagaaloshabeelhoose20Xarakada Alshabaab ayaa sheegtay  in dagaallo saakay ka dhacay  deegaannada Warmaxan,Tixsiile iyo tuulada Garas-Mandiile lagu dilay 10 Askar.
Weerar kale oo loo adeegsaday Miinooyin iyo gantaallada garbaha laga rido ayaa qabsaday gaadiid gurmad ahaa oo ku socdaalayay duleedka deegaanka Warmaxan waxaana ka dhashay khasaara lixaad leh.
Al Shabaab waxay sheegtay in qarax Miino ay ku dishay 9 Askari oo 3 kamid ah ay yihiin saraakiil sarsare, khasaaraha ugu badan ayaa la sheegay in uu ka dhashay qaraxa iyo weerarka dhabagalka ah ee ka dhacay duleedka Warmaxan waxaana weerarkaasi lala helay ciidamo gurmad ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in saraakiisha ladilay uu kamid yahay Col.Bakaati oo caan ka dhax ahaa melleteriga DF-ka ee ka howlgala inta u dhaxaysa Muqdisho iyo W/weyn.
Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiisha lagu dilay qaraxa uu kamid ahaa Taliye ku xigeenkii guutada 6-aad ee ciidanka Melleteriga dowladda Federaalka.
Waa Weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo ay Shabaabul Mujaahidiin ku qaado ciidanka DF-ka tan iyo markii Baarlamaanka Dowladda uu madaxweyne u doortay Max’med Cabdullaahi Farmaajo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*