WARARKA

15 Mareykan ah oo lagu dilay Afghanistan.

Khasaare xooggan ayaa Ciidamada Dowladda Saliibiyada ee Mareykanka kasoo gaaray weerar Istish-haadi ah oo duhurnimadii shalay ka dhacay magaalada Qandahaar ee Dalka Afghanistan.

Sida lagu sheegay Bayaan kasoo baxay Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan,  mid ka mid ah Ciidamada  Guutada Istish-haadiyiinta ee  Imaarada oo lagu magacaabo ” Asadullaah Qandahaari” oo kaxeynayay gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ayaa dhexda ka galay laba gaari oo nooca Taangiga ah oo ay la socdeen Ciidamo Mareykan ah, kuwaas oo marayay Mandiqadda “Shoorandaam” ee hoos tagta Magaalada Qandahaar.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay 15 Askari oo Mareykan ah, islamarkaana ay bas-beeleen labo gaari oo Taangi ah oo qeyb ka ahaa Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada Gaalada Gaalada Nato.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay weerarka shalay duhurnimadii ka dhacay Gobolka Qandahaar, iyadoona qiratay in laba Askari oo Mareykan ah inay ku dhinteen weerarkaasi.

Mareykanka ayaa looga bartay inuu aad u qariyo Khasaaraha ay Ciidamadiisa kala kulmaan weerarrada ay soo qaadaan Mujaahidiinta Xarakada islaamiga ah ee Daalibaan.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka Capt. Jeff Davis ayaa yiri  : ” Laba Askari oo Ciidamadeenna ka mid ah ayaa dhintay markii baabuur Miineysan uu ku qarxay kolonyo ay la socdeen Ciidamada”.

Afhayeenku ma sheegin faah faahin intaas ka badan, isagoona tilmaamay inay socoto uruurinta Macluumaadka ku saabsan khasaaraha kale ee ka dhashay weerarkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Qandahaar oo la hadlay Telefeshinka Toolo News ayaa sheegay in weerarku uu qabsaday kolonyo Ciidamo Mareykan ah oo kusii jeeday Garoonka diyaaradaha ee Qandahaar.

Warbaahinta Maxalliga ah ayaa sidoo kale sheegtay in dab xooggan uu qabsaday laba gaari oo ka mid ah Kolonyadii gaadiidka ahaa ee ay la socdeen Ciidamada Gaalada Nato.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*