WARARKA

Kenya : Guusha Kenyata oo si rasmi ah loo shaaciyay.

Guddiga doorashooyinka ee dalka Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah ee kasoo baxday doorashadii laga qabtay Talaadadii lasoo dhaafay.

Guddiga ayaa sheegay in Uhura Kenyata uu marale ku guuleystay xilka Madaxtinimada ee dalka Kenya, isagoona dalkaasi maamuli doona Shanta sano ee soo socota.

Xisbiga Mucaaradka ee NASA ee uu hoggaaminayo Raila Odinga ayaa qaadacay natiijada kama dambeysta ah ee ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashooyinka ee dalka Kenya, waxayna sheegeen in loo dhacday Computerrada Guddiga doorashooyinka, islamarkaana wax la is daba mariyay.

Isbaheysigu Mucaaradku waxay sheegeen inay aadi doonaan Maxkmadda sare, islamarkaana ay hayaan caddeymo muujinaya in dowladdu ay wax is daba marin sameysay.

Rabshado ay sameynayaan taageerayaasha Raila Odinga ayaa laga soo sheegayaa qaar ka tirsan magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, gaar ahaan deegaannada ay qabiilkiisu dagaan, waxaana laga cabsi qabaa in dalkaasi ay ka billowdaan rabshado ka mid ah kuwii ay dhumanaanka qofood ku dhinteen ee sannadkii 2007 ka dhacay Wadankaasi.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*