WARARKA

Weerar ka dhacay Gobolka Gedo iyo Saraakiil lagu dilay Diinsoor.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa barqanimadii saakay waxay weerar dhabbagal ah ay u dhigeen kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay qeybo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta galbeed ee Soomaaliya.

Wararu waxay sheegayaan in weerarka kamiinka ah inuu ka dhacay waddada u dhaxeysa degmooyinka Garbahaarey iyo Luuq, iyagoona goobtaas uu ka dhacay dagaal culus.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin aysan weli wax war ah kasoo saarin, halka Taliska Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku suganna aan looga baran inay ka hadlaan khasaaraha Ciidankooda kasoo gaara duullaanka ay Soomaaliya kusoo qaadeen.

Dhanka kalena, Saraakiil Miino baarayaal ah oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay qarax shalay ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka soo gala degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay ku howlanayaan kala fur furidda miinadaasi, balse ay si kedis ah ay Miinada u qaraxday.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*