Askar ka tirsan ciidamada dowladda federalka ah ayaa maanta lagu dilay weerar ka dhacay bar koontarool oo ku taalla halka loo yaqaano Baar-Ismaaciil oo ku dhow degmada Afgooye. Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan oo ka tirsanaa Boliska dilkooda loo adeegsaday qarax xilli ay fadhiyeen bar ay ku nastaan. “waxaan maqalnay […]
Author: admin
Barwaaqada Baadiyaha Soomaaliya. Qeybta 2-aad (Sawiro)
Qaara mid ah xoola dhaqatada ayaa ka warbixiyay barwaaqada ay haystaan maadaama xiligaani uu yahay mid ah aaran ah. Geelley ay wareysatay Idaacadda Al-furqaan ayaa sheegaya in xooluhu aanay xiligaan dhib lahayn laakiin waqtiyada qoraaxeedka lagu dhibtoonayo. Waxay xoolaha daaqsanayaan deegaan ka tirsan gobalka Jubada Dhexe halkaasoo ay ku haystaan […]
DF: “1024 Muwaadiniin Soomaaliyeed Ah Ayaa Ku Xiran Xabsiyada 22 Dal oo Caalamka Ah”
Dowladda Federalka ayaa sheegtay in dad badan oo Soomaali ah ay ku xiran yihiin xabsiyada caalamka kuwaasoo intooda badan loo heysto burcad badeed-nimo. Axmad Cali Daahir oo ah xeer ilaaliyaha guud ee DF oo u waramayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay jiraan dhibanayaan badan oo Soomaaliyeed oo ku xiran […]
Barwaaqo Sooranka Baadiyaha Soomaaliya.(sawirro)
Xilli roobaadka aanu ku jirno oo deyr ah waxa uu noqday mid barwaaqo ah oo dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadeen. Biyaha ayaa ceegaaga waraha iyo billiyada iyo meelaha kale ee godan dhirtana waxaa isku daahay caleen iyo ubaxyo. Reer miyaga ayaa waqtigaan oo kale aad u faraxsan waxaanay xoolahooda […]
Diiradda Jimcaha: DF oo Halis Galineysa Odayaal Dhaqameedyo (Dhageyso)
Barnaamijka Diiradda Jimcaha waxaa maanta lagu falanqeeyay (Dowladda Federalka ah oo halis galineysa nolosha odayaal dhaqameedyo) kuwaasoo ay dooneyso iney ka qeyb qaataan dib u eegista dastuurka. Barnaamijka ayaa waxaa lagu eegay dastuurka dowladda, dowrka odayaasha haatan la uruurinayo, halista ku hareereysan iyo arrimo kale oo muhim ah, waxaana ka […]
Faahfaahin Kasoo Baxaysa Weerarkii Duleedka Buulo-mareer.
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysay weerarkii ay duhurnimadii maanta ciidamada Al-Shabaab ka geysteen inta u dhaxaysa Golweyn iyo Buulo-mareer kuna qaadeen ciidamada Amisom. Wararku waxay xaqiijinayaan in ciidamada Uganda laga dilay ugu yaraan afar askari kadib markii dhabbaha loo galay islamarkaana ooda looga qaaday rasaas isugu jirta mid culus […]
Itoobiya oo 2 Sano oo Xarig Ah Ku Xukuntay Sheekh Soomaaliyeed oo Da’ Ah.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay xoogga ku haysato Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in maamulka Tigreega taabacsan ee halkaasi ka jira uu xabsiga u taxaabay Sheekh Soomaaliyeed oo halkaas kutub ku aqriyi jiray. Sheekhan oo lagu magacaabo Sheekh C/naasir Xusen Cismaan ayaa lagu xukumay […]
Ciidamada Marayknaka oo Caruur Dugsi Quraan dhiganayay Ku laayay dalka Afqaanistaan.
Howlgal habeenkii xalay ciidamada Maraykanka ay ka fuliyeen dalka Afqaanistaan ayaa lagu soo waramayaa iney ku laayeen caruur aad u da’ yar oo dhiganayay Quraanka Kariimka ah. Ciidamada Maraykanka ayaa saqdii dhexe ee xalay waxay kusoo degaan iyagoo Hellecoptero adeegsanaya degmada Naszakh ee gobolka Maydaan Wardak ee bartamaha dalka Afqaanistaan. […]
Puntland Iyo Galmudug oo Ku Dagaalamay Gaalkacyo.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay ku waramayaan in duhurnimadii maanta ay halkaasi ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland. Inkastoo warar is khilaafsan ay kasoo baxayaan sababta dagaalka ayaa haddana waxay wararka qaar sheegayaan in lagu dagaalamay canshuur laga qaadayay Bakaar […]
Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda oo Lagu Dilay Bakaaraha.
Askari ka tirsan ciidamada dowladda federalka ah ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in rag hubeysan oo aan heybtooda la garan ay toogteen askariga kadibna ay ka qaateen qorigii uu watay. Askarigan ayaa kamid ahaa kuwa ka hawl gala suuqa […]