Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa galabta lagu dilay nin ajanabi ah oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda lagu magacaabo “UNICEF” kaas oo uu dilkiisu ka dhacay xarunya ay hay’addu ku leedahay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Ninkan la toogtay ayaa wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya […]
Uncategorized
Askari Ka Tirsan DF oo Degmada Yaaqshiid Lagu Dilay.
Askari ka tirsan ciidamada DF ayaa lagu dilay isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid isagoo ku jira hawl maalmeedkiisii caadiga ahaa, waxaana ay dad goob joogayaal ah sheegeen in rag hubeysan ay ku dhufteen dhowr xabadood. Markii uu dilku dhacay ayaa waxaa goobta isaga cararay dadkii shacabka ahaa oo ka cabsi […]
Degdeg: Amisom oo Gaari Looga Qarxiyay Shabeelaha hoose.
Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidaamda shisheeye ee Amisom ayaa qarax lagula beegsaday duleedka magaalada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha hoose. Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyay in qarax weyn uu haleelay gaari noociisu yahay Taw kaasoo uu burbur xooggan soo gaaray iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen askrtii saarnayd. Wadooyinka […]
Sawirro: Saraakiil Itoobiyaan Ah oo Muqtaar Roobow Kusoo Dhaweeyay Xudur!
Saraakiil ka tirsan Xabashida Itoobiya ayaa maanta magaalada Xudur kusoo dhaweeyay Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo bishii August ee sannadkan isku dhiibay DF. Roobow ayaa waxaa safarkii uu ku tagay Xudur ku wehlinayay wasiirkii hore ee gaashaandhigga iyo saraakiil kale, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya socdaalkiisan. Sawirrada laga […]
Labo Gaari oo Kenya Looga Gubay Duleedka Mandheera.
Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar ay Xarakada Al-Shabaab shalay galinkii dambe ka geysatay dhulka Soomaaliyeed ee ay Keynya heysato kaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Nooca weerarka oo dhabba-gal ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq Kenya gobolka […]
Rag Sirdoon U Ahaa DF Iyo Shisheeyaha oo Lagu Dilay Fagaare Ku Yaalla Bu’aale.
Magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubada dhexe ayaa waxaa goor dhow lagu dilay afar ruux oo lagu eedeeyay iney jawaasiis u ahaayeen dowladda federalka iyo ciidamada shisheeye. Afartan ruux ayaa waxaa xukunkooda ku dhawaaqay mid kamid ah garsoorka islaamiga ah ee Al-Shabaab kadibna waa la toogtay, iyadoo ay xukunkan usoo […]
Weerar Dad Badan Lagu Dilay oo Ka Dhacay Kaniisad Ku Taalla Mareykanka.
Wararka ka imanaya Mareykanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 26 Qof ay geeriyootay kaddib markii Nin hubeysan uu weerar ku qaaday kaniisad lagu magacaabo Sutherland ku taalla Gobolka Texas ee Dalkaasi. Greg Abbott, oo ah Guddoomiyaha gobolkaas ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay dad badan kadib markii nin hubeysan uu […]
Mareykanka oo Sheegay In Maalin Walba Ay Dagaalka Kaga Baxdo 250 Milyan oo Dollar!
War-bixin kasoo baxday sirdoonka Mareykanka ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano CIA ayaa lagu soo bandhigay dhaqaalaha xukuumadda Washinton uga baxay dagaalka ay kaga jirto qaar badan oo kamid ah wadamada Islaamka, wixii ka dambeeyey weeraradii 11 Septembar. Hantida kaga baxday dagaalka illaa iyo hadda socda ayaa waxay gaareysaa 1.46 […]
Mareykanka oo Amar Degdeg Ah Siiyay Muwaadiniintiisa Ku Sugan Muqdisho.
Sabti, November, 03, 2017: Maraykanka ayaa soo saaray digniin cusub oo la xiriirta ammaanka goobaha ay magaalada Muqdisho ka joogaan muwaadiniintiisa. War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa waxaa lagu amray muwaadiniinta Maraykanka iney sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Xamar. Maraykanku wuxuu sheegayaa inuu helay macluumaadyo xasaasi ah […]
Al-Shabaab oo Weeraray Bar Koontarool oo Ay DF Ku Leedahay Afgooye.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa duhurnimadii maanta weeraray bar koontarool oo ay DF ku ledahay degmada Afgooye, waxaana haatan la helayaa faahfaahin ku saabsan natiijada weerarka. Sida ay inoo xaqiijiyeen dad lagu kalsoon yahay, askarta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray koontaroolka DF ee Buulo-foolyo halkaasoo lacago xad dhaaf ah […]