Maxamad Cabdi Waare oo ah madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa walaac ka muujiyay dagaalka uu ku dhawaaqay Farmaajo iyo qaabka ay dowladdu u qorsheysay. Isagoo ka khudbeynaya magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga walaacsan yahay dagaaladii ka dhacay Basra iyo xaaladda colaadeed ee ka aloosan degmada Balcad […]
Maxaa Cusub
Daawo Sawirada Beeraleydii Uu Xalay Mareykanku Ku Duqeeyay Sh/hoose.
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay geysatay diyaarad Drone ah ay ku dhinteen dad shacab ah. Xalay Fiidkii ayaa jug culus laga maqlay dhul beereedka dhanka Koonfur Bari uga beegan deegaanka Daaruslaam. Goob Joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan sedax qof shacab ah ku dhinteen duqeynta […]
Saraakiil Ka Kala Tirsan DF iyo Puntland oo Lagu Dilay Afgooye Iyo Gaalkacyo.
Sarkaal ka tirsan DF ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho kadib markii ay weerar ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Ilo wareedyo ayaa sheegay in aanan la garan qaabka uu ku dhacay dilka, balse waxay xaqiijiyeen in mar qura la maqlay rasaas kadibna loo tagay isagoo geeriyooday, dadkii […]
Dhageyso Falanqeyn Ku Saabsan Bixitaanka Amisom Iyo Kadib.
Diirada jimcaha oo ay ka qeybqaateen Aqoonyahan Maxamed Sheekh, Axmed Ibraahim iyo Nabad doon Maxamed Guuleed ayaa looga hadlay waxa ka dhalan kara ka bixitaanka Amisom ee Soomaaliya oo bilaabanaya dabayaaqada bisha soo socota. Diirada ayaa sidoo kale lagu soo qaatay aaraahda dhagaystayaasha ee ku aadan Mowduuca. Halkan Ka Dhageyso […]
Ballanqaadkii Lagu Boobay Baytul Maqdas Ee Balfoor oo 100 Jirsaday (Barnaamij Gaar ah)
Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan waxay barnaamij gaar ah ka diyaarisay sida lagu boobay dhulka Muslimiinta ee Filastiin ee uu kamid yahay masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa. Wuxuu Barnaamijku kasoo bilaabanayaa ballanqaadkii wasiirkii arimaha dibadda ee Ingiriiska Arthor Balfoor ee ahaa in Yahuuda uu siinayo dhul ay degaan islamarkaana dowlad ka dhistaan. […]
Dhageyso Muxaadaro Kooban oo Muhim Ah Iyo Sheekh Dulyadeyn (Raximahullaah)
Aqristayaal/dhageystayaal, waxaad inooga barateen inaan jimco walba idiin soo gudbinno muxaadaro, waxaana todobaadkan idiin heynaa muxaadaro ka hadleysa Ballan qaadka uu Alle u yaboohay iney mu’miniintu guuleysanayaan, waxaana muxaadaran jeedinaya Sheekh Muxamad Dulyadeyn raximahullaah. https://f.top4top.net/m_679ge1fs1.mp3
Degdeg: 3 Sarkaal oo Ka Tirsan Nabad Sugidda oo Lagu Dilay Muqdisho.
War degdeg ah oo goor dhow kusoo dhaxay xaruntan war qabadka ee shabakadda Amiirnuur.com ayaa waxa uu sheegayaa in 3 sarkaal oo ka tirsan DF lagu dilay weerar qarax loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiishan oo kamid ahaa Nabad sugidda […]
Sarkaal Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka DF oo Qarax Lagula Beegsaday Muqdisho.
Qarax ayaa barqanimadii maanta magaalada Muqdisho lagula beegsaday sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda ra’iisulwasaare Kheyrre. Sarkaalkan ayaa isagoo gaarigiisa wata lagu weeraray wadada Maka-Almukarama gaar ahaan nawaaxiga Imagareeshanka, waxaana ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay inoo xaqiijiyeen inuu dhaawac halis ah gaaray sarkaalka oo lagu magacaabo Xirsi. Dhaawiciisa […]
Al-Shabaab: “15 Askari Ayaan Kenya Uga Dilnay Weerarkii Duleedka Mandheera” Aqriso.
Xarakada Al-Shabaab iyo dowladda Kenya ayaa natiijo isku dhow kasoo saaray weerarkii maalintii shalay ka dhacay degaanka Dabasiti ee dhacay duleedka magaalada Mandheera kadib markii weerar jid gal ah loo dhigay askar Bolis ah oo halkaa ku socdaalayay. Sarkaal ay soo xigatay idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa […]
Dhageyso Muxaadaro Qayim Ah (Siyaasadda Islaamka Iyo Lidkeeda)
Bulsha weynta ku taxan bartan Amiirnuur.com, waxaan idiin soo gudbineynaa muxaadaro qayim ah oo uu jeedinayo Sheekh Nuur Mucallim C/raxmaan. Muxaadaradan ayaa waxa uu ku lafa gurayaa siyaasadda islaamka iyo midda kasoo hor jeeda ee lidkeeda ah, waxaana ku jira cilmi iyo xusuus fara badan oo ay tahay inaan ka […]