Ummada Soomaaliyeed kama suulin illaa iyo hadda iney hadal heyso, oo ka caraysan tahay, misana la ciishoon tahay qodobadii kasoo baxay kulankii gaabnaa ee 16 kii bishan Madaxtooyada ku dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federalka ah, Maxamad C/llhi Farmaaji, iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Abeey Axmed. Shalay oo khamiis ahayd, waxaan qabuuraha Barakaat […]
Maqaallo
Faallo: Muqdisho oo Murug Ku Ciideysanaysa. (Sawirro)
Muqdisho waa magaalo taariikhi ah oo qarniyo badan jirta. Waa magaalo ay kasoo talin jireen boqortooyooyin islaami ah. Waligeed waxay caan ku ahayd ganacsi, aqoon iyo ilbaxnimo. Taariikhdeeda waxaa ka buuxa baalal badan oo ifaya kana marqaati kacaya iney lasoo halgantay gumeystayaal badan sida:- Burtoqiiska, Ingiriiska, Mareykanka iyo Xabashida. Muqdisho, […]
(Maqaal) Berbera Wax Go’ Lagu Qaado Ka Weyn, Gows Baase La Dhaafsaday.
Heshiis ku sheegga ay dekedda magaalada Berbera kula wareegeen Imaaraadka iyo Itoobiya, wuxuu beddelay taariikh dahabi ahayd iyo halkudheg ay lahayd dekedda, oo ay ka dhaxashay awoow yaasheen. Markii uu gobolada wuqooyi joogay gumeystihii Ingiriiska, mar buu damcay inuu dekedda magaalada Berbera kula wareego hab khiyaano ah oo lamid […]
Maqaal: Xilalka “DF” Waxaa Lagu Qeybsaday 4.5 Canshuurtana Waxaa Laga Qaadayaa Muqdisho oo Kaliya!!
Markaan arkay xaaladda ka taagan Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha. Markaan arkay cabashada bulshada iyo ganacsatada Muqdisho. Markaan arkay awaamiirta canshuur dalbasho ee dowladda. Markaan qiimeeyay halka ay wax iska qaban la’yihiin, ayaa waxaa ii soo baxay qodobo dhowr ah oo ay tahay in la baraarujiyo. Maqaalkan waxaan daah-fur uga […]
DHAN KASTA MAXAAN DHIMAN UGA NOQONAY? Qore: Warfaa Kheyrdoon.
Maqaalkan kooban waxaan ugu tala galay inaan ku eego arrin muhim ah oo in la baraarujiyo mudan kadibna ay tahay inuu qof walba daawo u helo arrimaha aan kusoo bandhigi doono gunta qormadaydan. Annagu waxaan nahay ummad jirta oo muslim ah islamarkaana lagu magacaabo Soomaali, waxaanu leenahay taariikh soo jireen […]
Majirtaa Caqiiddo Waddaniyadeed oo Jannada lagu galo? W/Q Warfaa Kheyrdoon.
Kadib markii uu 10 jirsaday dagaalka ay ciidamada Amisom kaga jiraan Soomaaliya kuna fashilmeen iney qabsadaan dalka oo dhan, taa badalkeedana go’aansadeen iney dib ugu laabtaan dalalkooda, ayaa waxaa madaxweyne Farmaajo soo wajahay culeys dhanka ammaanka ah. Shirkii ka dhacay madaxtooyada ee uu la qaatay madax goboleedyada waxa uu ku […]
Labo Gaari oo Kenya Looga Gubay Duleedka Mandheera.
Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar ay Xarakada Al-Shabaab shalay galinkii dambe ka geysatay dhulka Soomaaliyeed ee ay Keynya heysato kaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Nooca weerarka oo dhabba-gal ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq Kenya gobolka […]
Mareykanka oo Amar Degdeg Ah Siiyay Muwaadiniintiisa Ku Sugan Muqdisho.
Sabti, November, 03, 2017: Maraykanka ayaa soo saaray digniin cusub oo la xiriirta ammaanka goobaha ay magaalada Muqdisho ka joogaan muwaadiniintiisa. War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa waxaa lagu amray muwaadiniinta Maraykanka iney sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Xamar. Maraykanku wuxuu sheegayaa inuu helay macluumaadyo xasaasi ah […]
Salaad Cali Jeelle Muxuu 11 Sano U Deganaa Hotel?
jimco, November, 03, 2017: Mararka qaar anigu waan la yaabi jiray markaan maqlo Al-Shabaab ayaa weeraray hotel ku yaala jidka Maka Al-mukarama ama kuwa u dhow, waxaan is weydiin jiray su’aalo ay kamid yihiin: tolow maxaa weerarada ku kali yeelay hoteelaas? Maxay hoteeladan uga duwan yihiin kuwa ku yaala wadooyinka […]
Cinwaanka Twitter-ka Ee Donald Trump oo Hawada Laga Saaray.
Cinwaanka uu barta Twitter-ka ku leeyahay madaxweynaha wadanka Mareykanka Donald Trump ayaa la xaqiijiyay in hawada laga saaray shalay oo Khamiis ahayd sida ay xaqiijisay shirkada leh bartan xiriirka bulshada ah. Shaqaalaha xafiiska madaxweyne Trump ayaa sheegay in muddo kooban oo uu xirnaa cinwaankan kadib hawada lagu soo celiyay iyagoo timaamay in […]