Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Weerarada Alshabaab o sii laba jibbaarmay iyo khasaare shisheeyaha la gaarsiiyay.

Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa xalay weeraro Saf balaaran ah ku qaaday Ciidamada Soomaalida ah ee shisheeyaha wada shaqeynta la leh waxayna ka kala dhaceen weeraradu Gobalada Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose.

Malateriga Alshababaab waxay beegsadeen Ciidamada Maamulka Jubbaland ee fariisinka ku leh Deegaanka Yoontooy ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Diryaanka hubka labada dhinac iswaydaarsanayaan ayaa halkaa laga maqlayay waxaana suura gal ah in Ciidamada la weeraray khasaare la gaarsiiyay.

Dagaalo kan la mid ah ayaa isla xalay ka dhacay Deegaanada Calamada, Ceelasha biyaha iyo Degmooyinka Awdheegle iyo Janaala oo ka wada tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa dagaalkaan oo ahaa mid qorshaysan ku qaaday dhufeysyada Ciidamada Dowladda federaalku ku leeyihiin fariisimahaan aan soo sheegnay oo ahaa kuwa awalba ciidaakda joogaa in la soo weeraro ka cabsanayeen.

Geesta kalena faah faahin dheraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay weerar Habeen hore lagu qaaday ciidamada Uganda ee dhufeysyada ku leh Magaalada Qoryooleey ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Ugu yaraantii Shan askeri oo ka tirsan Ciidamada Uganda ayaa la xaqiijiyay in weerarka oo Alshabaab qaaday lagu dhaawacay.

Dagaalka askartaan lagu dhaawacay wuxuu qayb ka ahaa dagaalo Saf balaaran ah oo habeen hore lala beegsaday saldhigyo shisheeyaha iyo Soomaalida caawineyso ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.

Shabkadda amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*