Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Wararkii ugu dambeeyay ee Howl galo Alshabaab fulisay.

Howlgal ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayay Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ku dishay Nin ka tirsanaa Malateriga Dowladda Federaalka ah oo la oran jiray Cabdi-khadar

dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Soona keey ee Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ka mid ah Meelaha ay farisiimaha ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka ah.

Geesta kale howl gal kale oo xalay ka dhacay Deegaanka Kudhaa ee Gobalka Jubada hoose waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Ciidamo ka tirsan kuwa jubbaland kadib weerar ay ku qaaday Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Degmada Xudur ee Gobalka Baay iyadana Xalay waxaa weerar lagu qaaday qaarka mid ah Ciidamada Itoobiyaan ka la shaqeeya ee Soomaalida ah.
Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa weerarka qaaday waxaana la sheegayaa in Ciidamada Maamulka Koofur galbeed halkaa qaar looga dilay kuwana looga dhaaway.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*