Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Janaraal Odawaa oo sigtay iyo warar kale.

Qaarka mid ah askarta Dowladda federaalka ah ayaa dhimasho iyo dhaawac qarax Maanta Gobalka Galgaduud lagula beegsaday Taliyaha Malateriga Federaalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhuuso Marreeb Iyo Guriceel.

Odawaa ayaa ka yimid dhanka Dhuuso Marreeb waxaanuu u jeeday dhanka Guriceel waxaana la sheegayaa in qaraxa uu ka bad baaday.

Qaraxa ayaa ka dhacay Deegaanka Ceeldheere wuxuuna cabsi hor leh ku beeray Odawaa oo weeraro hore sidaan kale ka bad baaday.

Sidoo kaleĀ  Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay Saacadihii la soo dhaafay fuliyeen weeraro kale oo ka dhan ah Dowladda federaalka ah iyo Maamulka Jubbland .

Muqidisho waxaa lagu dilay askeri ka tirsanaa Dowladda federaalka ah.

Degmada hodan ee isla muqdisho iyo Deegaanka Garasbaalley ee duleedka muqdishana waxaa ka dhacay qaraxyo lala beegsaday askar fariisimo ku lahaa.

Fariiisin ciidamada Dowladda federaalka ah ee shisheeyaha la shaqeeya ku leeyihiin Awdheegle oo ka tirsan Shabeelaha hoose waxaa ka dhacay weerar ay qaadeen ciidamada Alshabaab, sidoo kale weerar ka la mid ah waxa uu ka dhacay Deegaanka Baar sanguuni ee duleedka kismaayo goobtaas oa y dhufeysyo ku leeyihiin Ciidamada Jubbalnd iyo kuwa Dowladda Federaalka ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*