Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Gudoomiye xigeenki Qansax dheere oo la dilay iyo gudoomyaha oo dhaawac ah

Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sababay ayaaMaanta ka dhacay Magaalada Qansaxdheere ee Gobalka Baay waxaana qaraxa fulisay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Gudoomiye xigeenkii Maamulka Koofur galbeed ugu magacawnaa Degmada Qansax dheere iyo afar askeri ayaa la xaqiiyay in ay qaraxa ay ku naf waayeen welow ay suura gal tahay in khasaaraha dhimashadu intaa ka badan yahay.

sidoo kale Gudoomiyaha degmada iyo akseri ayaa la sheegay in ay qaraxa ku dhaawacmeen sida ilo xog ogaal ahu sheegayaan.

madaxdaan dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa la shaqeynayay Ciidamada Itoobiya ee Magaaladaas iyo deegaanada u dhaw fariisimaha ku leh.

Xarakada Shabaabul Mujaaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan khasaaraha kala duwan sababay.

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*