Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Dilal iyo weeraro ka dhacay gudaha dalka

Laba askeri oo ka tirsanaa Dowladda federaalka ah ayaa Maanta lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa fuliyay howlgal u muuqday mid qorshaysan oo dhegta dhiiga looga duray askartaan ka tirsan Dowladd Federaalka ah ee wada shaqeynta la leh Ciidamada Shisheeye.

Sidoo kale weerar ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelbaraf iyo Jalalaqsi waxaa lagu dilay askeri ka tirsan Dowladda Federaalka ah,

Xarakada Alshabaab oo howshaan fulisay ayaa ku furatay qori aake ah iyo Boosh qasnado iyo raasaasu ku jiraan oo askerigu watay.

Geesta kael xalay weeraro saf balaaran ah ayaa ka dhacay dhufeysyo Ciidamada Shisheeye iyo Soomaalida la shaqeysaa ku leeyihiin Deegaano ka tirsan Gobalak Jubada hoose.

Fariisimaha la weeraray waxay ku kala yaalaan Cabda lla Biroole, Kudhaa, iyo Qooqaani goobahaas oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*