Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Maraykanka oo Khasaare lagu gaarsiiyay gudaha Soomaaliya kadib qarax Nafhurnimo.

Ugu yaraan hal askeri oo Maraykan ah ayaa dhintay mid kalena waa dhaawacmay kadib qarax nafhurnimo oo xalay lagula beegsaday Deegaan Xeebeedka Gendershe ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Sidoo kale waxaa goobta ku dhintay afar askeri oo kuwa Maraykanku ku shaqeysto ee Soomaalida ah ka mid ahaa iyadoo sadax kalena dhaawacyo soo gaareen.

Waxaa al aamisan yahay in khasaruhu intaa suu ka badan yahay waxaana ciidamada Soomaalida ah Meydadkood lagu aasay Magaaalda Muqdisho.

Ciidamada ayaa qaraxa lala beegsaday intii aanay gudaha u gelin Deegaankaan oo Magaalada Marka ka xiga dhanka Magaalada Muqdisho.

Meydka iyo dhaawaca askarta maraykanka waxaa suura gal ah in dalkooda loo qaado si kan dhintayna loogu aaso kan dhaawaca ahna loogu daweeyo.

Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa watay diyaarado iyo gaadiidka gaashaaaman waxayna ahaayeen kuwa aad loo qalabeeyay waxaase ku dhacay khasaare xanuunjiyay kaasoo sababay in ay in mudd ah ku hakadaan halkii lagu beegsaday welow ay goor dambe deegaanka gudaha u galeen.

Tani waa dharbaaxo kale oo ku dhacday Maraykanka iyo saaxiibadiisa u shaqeeya ee Sooamalida ah waxaana xusid mudan in weeraro badan oo ay qaadeen ay khasaarooyin kala duwan kala kulmeen fashilna ay ku idlaadeen amaba ku dhamaadeen.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*