Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Askar ka tirsan Dowladda federalaka ah o lagu laayay duleedka Dhuuso marreeb iyo kuwo Jabuutiyaan ah oo lagu dhaawacay.


Dagaal xoog leh ayaa Maanta ka dhacay Meel u dhaw Magaalada dhuuso marreeb kaasoo hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.

Ugu yaraantii sideed ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ah ayaa maanta ka lagu dilay duleedka Magaalada Dhuuso Marreeb ee Gobaka Galgaduud kadib dagaalkaan dhacay oo u muuqday mid ababaabulan.

Dhimashada ka sokow waxaa jira dhaawacyo waxaana la xaqiijiyay ugu yaraantii afar askeri oo Jabuutiyaan ah in ay dhaawacmeen

Ciidaamda Xarakada Shababaul Mujaahidiin ayaa dilay akartaan kuwa kalena dhaawacay sida ilo xog ogaal ahi sheegayaan.

Dagaalka ayaa ka dhacay Deegaan Bari ka xiga Magaalada waxaana maanta si weyn looga hadal hayay Dhuuso marreeb iyo Gobalada kale dalka qaarkood.

Alshaabab ayaa Ciidamadaan ka gubtay laba gaari oo kuwa dagaalka ah waxaana suura gal ah in khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed oo soo gaaray intaan ka badan yahay.

Alshabaab ayaa wayadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday degaanada kaabiga ku haya magaalada dhuuso marreeb waxaana xirmay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada kadib markii dhawaan ay gentaalo ku weerartay Diyaarad uu saarnaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) taasoo si dirqi ah kaga bad baaday.

Maamulka Galmudug, Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowladda Federaalka ah oo halkaa ku sugan ayaa waayadaan keeb la yuurar ahaa waxaana dagaalka iminka khasaarhaa lagu gaarsiiyay sii kordhinayaa cabsida ay qabaan.

Alshabaab ayaa gurmad ka heleysa Ciidamadeeda ku sugan Gobalka iyo kuwa la deriska ah.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*