Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Dhegeyso Alshabaab oo hadashay Weerarada Dhuuso Marreeb iyo Gendershe.

Xarakada Shabaabul Mujaahdiin ayaa ka war bixisay howl galo ay ka kala fulisay Deeganka Gendershe ee Gobalka Shabeelaha hoose iyo duleedka Magaalada Dhuuso marreeb Xarunta Gobalka Galguud.

Afhayeenka dhanka Ciidamada ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay in Qarax nafhurnimo oo ka dhacay Meel u dhaw Deegaanka gendershe ay ku dileen Askeri Maraykan ah iyo iyo afar ka tirsan Ciidamada uu daacadda ah ee la yiraahdo Alpha Group.

Wuxuu intaa ku daray in ay ku dhaawaceen askeri Maraykan ah iyo sadax kale oo Alpha Group ka tirsan.

Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab wuxuu faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagala iyaga iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Jabuutiyaan ah kula dhex maray Duleedka Magaalada Dhuuso Marreeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud.

Wuxuu sheegaya in Dagaalkaa ay ku dileen sideed askeri oo Federaalka ka tirsan 12 askerina uga dhaawaceen sidoo kalena ay 4 Jaskeri oo abauutiyaan ah ay ku dhaawaceen.

Asigoo hadalkiisa sii wata waxa uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Jabuuti ay ka gubeen gaari Taaw ah halka Dowladda Federaalka ahna ay ka gubeen Gaari nooca Cabdile loo yaqaan ah.

Halkaan ka dhegeyso Codka Sheekh Abuu Muscab

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*