Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Ciidamada Ugandheys ah oo la dilay iyo Ciidamada Puntland oo la duqeeyay.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa duqeymo ka kala fuliyay Garoonka diyaarahada ee Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose iyo Fariisin Ciidamada Puntland ku leeyihiin Gobalka Bari.

Shalay gelinkii dambe ayay Ciidamada Alshabaab waxay duqeyn la beegsadeen diyaarad Sahay u siday Ciidamada Uganda oo ku isku dayaysay in ay ka caga dhigato Garoonka diyaarahadaha ee Baraawe.

Inkastoo gentaaluhu aanay diyaaradda haleelin hadana waxay ahaayeen kuwo halis geliyay waxayna taasi keentay in diyaaradu dib u noqoto sida wararku ay sheegayaaan.

duqeynta ayaa dhimasho iyo dhaawac gaarsiisay Ciidamada Garoonka joogay ugandheyska ah welow aanaan helin tira cayiman.

Geesta kale Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay sidoo kale shalay galab madaafiic ku garaaceen saldhig Ciidamadapuntlaladn   ku leeyihiin Gobalka Bari gaar ahaana buuraha Gal gala.

Ilaa 12 madafac ayaa saldhiga ku hoobatay waxaana la aaminsan yahay in khasaare ka soo gaaray.

Ciidamada iyo Maamulka Puntland ayaa la kulma weeraro kaga yimaada Xarakada ShababuL Mujaahidiin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*