Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Khasaaraha ka dhashay qarax duleedka Dhuuso marreeb ka dhacay oo kordhay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax shalay Ciidamo Dowladda Federaalka ah ka lagula beegsaday duleedka Magaalada Dhuuso Marreeb ee Gobalka Galgaduud.

Ugu yaraan sideed askeri oo qabo dhaawacyo kala duwan ayaa isbitaalada la seexiyay kuwaasoo qaarkood xaalkoodu culus yahay.

Askartaan ayaa ku dhaawacmay qarax Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u dhigtay waxaana ku dhintay laba saaxiibadood ahaa oo ayaguna askar ahaa.

Qaraxa waxaa lagu gubay Gaari Cabdi bile ah oo ay Ciidamadu saarnaayeen waxaana dhawaqa qaraxa laga maqlay Meelo ka fog halka uu ka dhacay.

Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug oo Dagaalka ka hadlay waxa uu xaqiijayay Khasaaraha Soo gaaray Dowladda Federaalka ah.

Dhawaan ayay ahayd Markii Dagaal ka dhacay Duleedka Magaalada Dhuuso Marreeb kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Jabuuti oo saf ah iyo kuwa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo dhinaca kale ka soo jeeday.

Ugu yaraan 8 askeri ayaa federaalka dagaalkaas looga dilay 12 kalena waa looga dhaawacay halka 4 Jabuutiyaanka ahna 4 askeri laga dhaawacay.

intii dagaalkaasu socday waxaa Ciidamada Dowladda Federaalka ah laga gubay Gaari Cabdi Bile ah kuwa Jabuutina waxaa laga gubay Gaari gaashaman.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*