Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Qarax Khasaare sababay oo Kismaayo ka dhacay iyo dagaal iyo dil Baardheere ka dhacay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa Magaalada Kismaayo qarax kula beegsaday wasiirka ka tirsan Maamulka Jabbaland waxaana la sheegayaa in uu ka bad baaday laakiin qaraxa ayaa khasaare sababay.

Ugu yaraan 3 ka mid ah ilaalida Waiirka Deegaanka iyo DalxiiskaCaydiid Suleymaan Xaashi  ayaa goobta ku dhintay kuwaasoo saaka loo dhaqaaqay in la aaso.

Qaraxa oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa laga maqlay Magaalada Kismayao iyo Tuulooyinka iyo baadiyaha deriska la ah.

Dhawaan ayay ahayd Markii isla magaaladaas Kismaayo qarax lagula beegsaday Cabdi Baalley oo ah Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Jubbaland inkastoo uu ka bad baadayna qaarka ah ilaaladiisa ayaa khasaare soo gaaray.

Geesta kale xalay dil iyo dagaal ayaa ka dhacay Gudaha Magaalada Baardheere ee Gobalaka Gedo.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa howgal qorsheysan ku dishay askari ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah.

askartiga ayaa la oran jiray deeqow waxaanuu ku biiirayaa xubno badan oo ka tirsanaa Dowladda federalkaa ah kuwaasoo lagu dilay baardheere iyo Deegaano kale oo dalka ka tirsan.

Ciidamada Xarakada Shabaabau sidoo kale waxay weerar fool ka fool ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan koox suufiy ah oo wada shaqeyn la leh Itobiyaanka Baardheere fariisimaha ku leh.

Diryaanka hubka la isweydaarsanayay ayaa laga maqlayay Magalada iyo deegaanada deriska ka la ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*