Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Weeraro ka kala dhacay gudaha soomaaliya iyo dhulka Kenya soomaaliya ka haysato.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa fuliyay weeraro ka dhan ah Ciidamada Maamulada Soomaalida ah ee shisheeyaha la shaeeya iyagoo sidoo kalena weerar ka fuliayya gudaha dhulka Soomaalyeed ee Kenya haysato.

Halka askeri ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Duleedka Baraawe kaasoo ka dhan ahaa Ciidamada Dowladda Federaalka ah.

Geesta kale Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha dhexe qarax xalay ka dhacay waxaa ku dhaawacmay sadax askeri.

Qaraxa oo ay gesatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa laga maqlay Xaafadaha Magaalada waxaana cabsi daranu soo wajahay Madaxda Maamulka Hirshabeelle ee halkaa aku sugan kuwaaoso ka baqaya in iyaga qudhooda la beegsado.

Dhaawacyada askarta ayaa loo qaaday goobo caafimaad si loogu daweeyo waxaana xusid mudan in walaaca amniga la xariira ee Jowhar uu sii kordhay.

Dhinaca kale Ciidamada Xarada Shabaabul Mujaahidiin waxay xalay weerareen Ciidamada Dowladda federaalka ah ee fariisinka ku leh Magaalada Garbo haarey ee Gobalka Gedo.

Diryaanka hubka labada dhinac isweydaarsanaayeen ayaa laga maqleeyay Magaalada iyo nawaxigeeda.

Wixii khasaare ah ee weerarka ka dhashay faah faahin buuxda kama aynaan helin.

Dhinaca kale askari ka tirsanaa Ciidamo Soomaalida h oo kenya u daacad ah ayaa lagu dilay gudaha Dhulka Soomalaiyeed ee Kenya gumeysato.

Cabdinuur Cumar ayaa lagu dilay Duleedka Magaalada Mandheera waxaana horay sidaan oo kale Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u dishay qaarka mid ah askarta kenya kuwaasoo qaarkood Soomaali yihiin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*