Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Qaraxyo waaweyn oo Itoobiya ka dhacay.

Laba qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay Magaalooyinka caanka ah ee Ismaamulka Amxaarada xilli wadanka itoobiya ay ka socdaan dagaalo culus oo u dhaxeeya xukuumadda Talada haysa iyo Ismaamulka tigreega.

Qaraxyada midkood waxa uu ka dhacay Magaalada Bahardar ee Xarunta Maamulka Amxaarada halka kan kalena uu ka dhacay Magaalada Magaalada Gonder ee isla dhulka Amxaarada.

Magaalooyinkaan ayaa Xudun u ah abaabulka weerarada ka dhan ah Tigreega waqti uu sii xoogeysanayo dagaalka uu ku dhawaaqay Ra’iisalwasaare Abiy Axmad.

Waxaa la aamisan yahay in qaraxyadaan khasaarooyin ka dhasheen waxayna ku soo aadeen Xilli dhawaan qarax kale oo weyn ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Inkastoo Maamulka Abiy uu sheegay in hal qof ku dhintay hadana waxa la aamisan yahay in khasaaruhu intaa ka badan yahay.

Wadanka ayaa lugaha la galay dagaalo aan haba yaraatee waxba al isula hareyn boqolaal qof ayaana ku dhintay dagaalka oo asbuucii labaad aakhirkisi maraya.

Maamulka Talada Itoobiya haya ayaa duulaan ah tigreeguna waa difaac waxaana labada dhinac kala gaaray khasaare xoog leh.

Waxaa la isu adeegsanaya hubka culus iyo midka fududba iyadoo diyaaraha gentaala ximbaara dagaalka ka qayb qaadanaayaan.

Kumanaan Itoobiyaan ah oo Tigreega ka soo jeeda ayaa qax ku galay Dalka Suudaan waxaana hay’adaha arimaha colaadaha ka hadlaa sheegayaan in ay dhici karto in todobaadyada soo socda qaxootigu intaa ka bato.

Tigreega ayaa bilo ka hor qabsaday doorashada iskood ah Dowladda federaalka Itoobiya aanay fasax uga haysan iminkana Abiy waxa uu dhisay Maamul kaas lid ku ah kaasoo dibad joogka ah deegaanada Tigreega.

Labada dhinac ayaa mid wlaiba kan kale u jeedinayaa eedo tiro badan waxaanuu u cambaareynaayaa si daran

Midka ka mid ah hay’adaha reer galbeedka ayaa sheegeysa in Itoobiya xasuuq ka dhacay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*