Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Xagee marayaaa dagaalka Itoobiya yaase casmara duqeeyay?

Ismaamulka Tigreega ayaa sheegatay Mas’uuliyaddda duqeyn xalay ka dhacday Magaalada Casmara ee Caasimadda Dalak Eretaria .

Sadax gantaal ayaa ku dhacay wasaaradda warfaafinta iyo garoonka diyaarahada waxaanay sababaeen argagax iyo kala carar welow aanay Dowladda Eretaria si rasmi ah uga hadlin khasaaraha ka dhashay.

Tigeegu waxay sheegeen in sababta ay Casmara u duqeeyeen tahay iyadoo Eretaria dagaalka qayb ka tahay maalmihii tegayna ay la dagaalameen Ciidamadeeda oo ka barbar dagaalamaya kuwa Dowladda federaalka ah ee Itoobiya.

Dagaalka u dhaxeeya Tigreega iyo Xukuumadda Itoobiya ayaa maraya dhowr iyo toban maalin waxaana ku dhintay boqolaal ruux halka kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Kumaaan ruux ayaa dagaal ka ku baracay kuwaasoo Tirgee u badan waxayna gudaha u galeen dalka deriska ah ee Suudaan halkaasoo lagu arkayo Itoobiyaan oon iyo gaajo la tabcaan ah.

Dagaalka waxaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay jireen gentaalaha diyaaradaha laga rido iyo kuwa lidka diyaardaha.

Labada dhinac ayaa mid waliba ku jiraa diyaar garowga dagaal hor leh maan muuqato saan saan colaadda lagu joojinayo.

Ra’iisalwasaare Abiy Axmad ayaa falaago ku tilmaamay Maamulka Tigreega halka iyaguna ay Abiy u aqoonsan yihiin nin Xilligiisi dhamaaday oo aan xilba ka hayn Itoobiya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*