Wararka Gudaha

Jaamac Xassan Khaliif: “Qodobadii Shirka Madaxtooyada Waxaan Ka Fahmay In Laga Adkaaday DF” (Dhageyso)

Siyaasiga Jaamac Xassan Khaliif oo u waramay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegay in maamul goboleedyadu ka adkaadeen DF ka maadaama uusan Farmaajo xallin khaldaadkii jiray sida:- in loo qaraab doontay Imaaraadka carabta oo dagaal qabow kula jirta Villa Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in aanan shirka lagu daaweyn nabarradii jiray taas oo keeni karta in khilaafku uu sii laba kacleeyo. Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in qodobadii shirka lagu soo daray in lagu heshiiyay la dagaalanka argagixisada.

“Argagixisada micnaheedu waa muxamad, jaamac, faarax iyo cabdullaahi haddaad argagixiso ka maqasho adduunka, caalamka qofka aan muslimka ahayn argagixiso looma yaqaano” ayuu yiri’ Jaamac oo intaasi ku daray in DF ku ay isku mashquulineyso mashruuc ay Mareykanku leeyihiin.

Halkan Ka Degso Wareysiga Jamac Xassan Khaliif

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*