Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Amxarada iyo Ciidmada Federaalka iyo kuwa koofur galbeed oo la wareeraray.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay weeraray qaarka mid ah Ciidamada Itoobiya ee Fariisinka ku leh Magaalada Berdaale ee Gobalka Baay, xilli askarta Itoobiya ee Soomaaliya joogta niyad jabsan yihiin qarkoodna colaad isu hayaan maadama dhinacyada ay ka soo kala jeedaan ku dagaalamayaan gudaha Dalkooda.

Diryaanka hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayay dhufeysyada Ciidamada ITOOBIYA waxaana Ciimada Alshabaab dagaalka ugu soo diyaar garoobeen is adag.

Waxaa la aaminsan yahay in Itoobiyaanka halkaa khasaasre lagu gaarsiiyay welow aanaan faah faahin dhameystiran ka helin.

Dowladda Itoobiya ayaa qaarka mid ah Ciidamadeeda ku sugnaa Soomaaliya dhawaan u daad gureysay dalkeeda si ay uga qayb qaatan dagaalka ka dhanka ah Ismaamulka Tigreega oo Colaadu kala dhexeyso.

Itoobiya dagaalada dalkeeda ka socda ayaa la saadaalinayaa in ay sii kordhi doonaan xaalkuna sii xuumaaanayo halka Ciidamadeeda Soomaaliya joogana la kulmaayaan weeraro kaga imaanaya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo horay u sheegtay in ay dooneyso in ay soo afjarto Shisheeyaha Sooamaliya duulaanka ku jooga oo Itoobiyaanku ugu horeeyo iyo inta Soomaaldia ah ee la shaqeysa.

Dhanka kale Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Xalay weeraray Askarta Dowladda Federaalka ah ee Fariisinka ku leh Magaalada Beledwyne Gobalka Hiiraan.

In mudda ah ayuu dagaalku socday waxaana hubka la isweydarsanayay dhawaqiisa laga maqlayay xaafadaha Magaalada iyo Deegaanada kale ee ka aga dhaw.

Dhanka isla xalay Ciidamada Xarakada Shababul Mujaahidiin waxay weeraro ku qaadeen Ciidamada Maamulka Koofur galbeed ee fariisimaha ku leh Magaalooyinka Waajid iyo Xudur oo ka tirsan Gobalka Bakool.

Ciidamadaan la weeraray ayaa difaac u ah Itoobiyaanka Magaalooyinkaas ku sugan waxaana la aaminsan yahay in weerarkaan khasaare laga gaarsiiyay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*