Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Weeraradii ugu dmabeeyay.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Magaalada Beledweyne ku dilay Gudoomiyihii waaxda Buundo weyn ee Magaaladaas. kadib howl gal u muuqday mid qorshaysan.

Raggii dilka geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen waxaana dilkaanu uu dhacay Shalay gelinkii dambe.

Dhanka kale weearo ayaa xalay ka dhacay dhufeysyo kala duwan oo Shisheeyaha iyo Soomaalida la shaqeysaa ku leeyihiin gudaha Dalka.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa beegsaday  Saldhigyada Ciidamada Keya ee ku yaalla Cabdalla biroole iyo qooqaani oo Gobalka Jubada hoose ka tirsan.

Sidoo waxaa weerar kan la mid ah ayaa lagu qaaday Ciidamada Maamulka Jubbaland ku leeyihiin Magaaalada Afmadow.

Weeraradaan ayaa daba socda kuwa kale oo habeen hore iyo habeenadii ka horeeyay lagu qaaday qaarka mid ah fariisimaha Ciidamada Shisheeye iyo kuwa Maamulada la shaqeeya qaarkood.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*