Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Qaraxyo khasaare geystay iyo iyo weeraro ak dhacay Gudaha Dalka.

Laba qarax ayaa Xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay waxaana halkaa ka dhashay Khasaare soo gaaray Ciidamada Maamulka Koofur galbeed.

Ugu yaraantii afar askeri ayaa qaraxaha  ku dhaawacmay sida ila xog ogaal ahu sheegayaan.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka si loogu daweeyo waxaana aad loo sii adkeeyay amniga Magaalada Baydhabo oo awalka laga taxaderayay.

Qaraxyadaan waxaa Mas’uuliyadooda sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo dilal iyo dagaalo qorsheysan ku qaadda Ciidamnada Shisheeye ee Dalka ku soo duulay iyo Soomaalida wada shaqeynta la leh.

Dhinaca kale Xalay Askarta Xarakada Shababaul Mujaahidiin waxay weeraro la beegsadeen Ciidamada Dowladdda Federaalaka ah ee fariisimaha ku leh Deeganada Sabiid iyo Bariire oo hoos taga Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Diryaanka hubka dagaalka la iskuweydaarsaday ayaa laga maqlayay deegaano ka durugsan halka uu dagaalku ka dhacay.

Weeraradaan waxay ku soo aadayaan xilli Shalay Magaalada Muqdihso uu ka dhacay qarax Nafhurnimo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku dishay 12 ka tirsan Baliiska Dowladda Federaalka ah 14 kalena ay ku dhaawacday.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*