Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Ciidamada Shisheeye oo shacab ku dilay Muqdisho.

Ciidamada Shisheeye ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku dilay dad shcab ah iyagoo kuwa kalana ku dhaawacay.

Ugu yaraan laba ruux oo shacab ah ayaa la sheegay in ay dhinteen lix kalena ay ku dhaawacmeen deegaanka tirsan Degmada Kaaraan una dhaw isgoyska fagax welow ay suura gal tahay in Khasaaruhu intaas ka badan yahay.

Nin gaari dameerle ah ayaa alsheegayaa in Ciidamadu bareer u toogteen halka haweeneyna rasaas ay rideen gurigeeda ugu tagtay.

Ciidamada ayaa rasaasta ka dhacda qoryah daba jeexyada iyo dhashiikaha iyo kuwa kale si toos ah ugu furay dadka shacabka ah si ay uga aar gutaan kadib markii iyaga qarax lala beegsaday.

Kolonyo Ciidamadaan ah oo deegaanka socodka ku marayay ayaa qaraxa lala beegsaday waxaana la sheegayaa ain khasaare la gaarsiiyay markaana ay caroodeen taasuna ay keentay in ay shacabka ka aarsadaan.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday qaarka mid ah goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho waxaana suura ah in gaarkood xaaladoodu halis tahay.

Marar kala duwan ayaa Magaalada Muqdisho iyo Gobalada kale ee Dalka waxaa qaraxyo lagula beegsaday Ciidamada shisheeye waxaana ku gaaray dhimasho iyo dhaawac xiliyada qaarna waxay sida hadaba dhacday ka aargutaan dadka shacabka ah ee aan hubeysneyn.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*