Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Itoobiyaaan lagu dilay dagaalka ka dhacay Gobalka Baay

ugu yaraan laba askeri oo ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya ee duulaanka ku jooga gudaha Soomaaliya ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Degmada Qansaxdheere ee Gobalka Baay.

Weerar ay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin la beegsatay Itoobiyaanka ayaa sababayay dhimashada askartaan.

Intii dagaal ku socday Itoobiyaanka waxaa laga gubay Gaari Uuraalka ah oo ay booyadu saarnayd kaasoo ku biiraya gaadiid horay looga gubay Itoobiyaanka ku soo xad gudbay Soomaaliya.

Dhanka kale Xalay Ciidamada Xarada Shabaabul Mujaahidiin waxay Xalay weerar culus ku qaadeen Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku ku leh Deegaanka Awdiinle oo sodoomeeyo kiilow mitir dhanka Galbeed ka Xiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.

Diryaanka hubka ayaa mar qura is qabsaay in mudda ah ayuuna socday dagaal aan waxba la isula harin.

 

faahfahain dheeri ah kama aynaan helin haddii Itoobiyaanka Khasaare al gaarsiiyay.

Ciidamada Itoobiya waxaa weeraradaan lagu qaaday xilli gudaha dalkood lagu ka socdo dagaal u dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo Ismaamulka Tigreega kaasoo boqolaal qof ku dhinteen kumanaana ku barakaceen.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*