Wararka Gudaha

Col. Cabdullaahi Yare Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Muqdisho.

Abaaro tobankii barqanimo ee maanta waxaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu weeraray saraakiil ka tirsan dowladda federalka ah oo gaari saarnaa.

Saraakiishan oo ka tirsan kuwa milatariga ayaa waxaa waxaa qarax culus lagula beegsaday Tarabuunka, waxaana inta la hubo weerarkan ku dhintay hal sarkaal oo la oran jiray Korneyl Cabdullaahi Yare, laba kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Halka ay wax ka dheceen ayaa waxaa daqiiqado kadib gaaray askar gurmad ah kuwaasoo ku dhiiran waayay iney si degdeg ah ku qaadaan dhaawaca sababo la xiriira iyagoo ka baqayay in gaarigu ku qarxo.

Dorraad ayay ahayd markii degaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay gudoomiyhii Ceelbuur iyo ilaaladiisii kadib markii qarax lala beegsaday.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*