Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Weeraro iyo qarax xalay ka dhacay gudaha dalka

Qarax ayaa Xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruta Gobalka Mudug kaasoo lala beegsaday Ciidamada Maamulka Puntland.
Waxaa la sheegayaa in qaraxa Ciidamada khasaare lagu gaarsiiyay sida ay sheegayaan ila xog xogaal ah.

Xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa.

2 askeri oo ka ayaa ciidamada Puntland uga dhaawacmay qaraxa oo lala beegsaday goob ay Ciidamada ku sugnaayeen.

Dhinaca kale Dagaal ayaa xalay ka dhacay fariisin Ciidamada Jabuuti  ay ku leeyihiin Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar qorsheysan ku qaaday askar Jauubti oo garabka u ah Shisheeyaha Dalka ku soo duulay gaar aahaan Itoobiyaanka.

Dhinaca kale weerar ayaa xalay ka dhacay Degmada Janaale ee Gobalka Shabaaleaha hoose halkasoo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku beegsatay Ciidaamda Dowladda federaalka ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*