Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Dhegeyso; Indheer garadka Soomaaliyeed sideebay u arkaan Colaadda Itoobiya ka dhex oogan.

Bulshada Soomaalida ayaa aad ah u hadal haysa Colaada ka curatay gudaha  Itoobiya ee Sababtay in ay dad badan iska layso kuwa kalena dhaawacmaan tira aad u badana ay barakacaan.

Marka laga soo tago intaa uurka ka bugta Soomaalida fayow ayaa ku faraxsan jabka Itoobiya iyo dhibaatada ay isu geysanayso waxayna u arkaan in Nabsi qabsaday maadama ay mudda dheer dhibatooyinka wejiyo badan leh ku haysay Soomaaliya.

Dadku waxay hadba isweydiinayaan labada dhinac ee dagalaamaya kan gacan sareeya iyo xogta ugu dambeysay ee laga helay.

Nabadoon Maxamed Jimcaale Khayre oo ka mid ah Indheer garakda Soomaaliyeed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya in Itoobiya hoog iyo halaag lugaha la gashay.

Wuxuu sheegay in ay Amxaarada iyo Tigreegu cadaw ku yihiin Diinta Issaamka iyo dadka Muslimiinta ah oo Soomaalidu ugu horeyso wuuxuuna shegay in sidaa darteed uu ugu faraxsan yahay xasuuqa ay iminka isku hayso.

ugu dambeyn wuxuu SOomaalida ugu baaqay in Maanta ay u guntadaan dagaal ka dhan ah Itoobiya maadaama y aad u jilicsan thaya oo ay iyadu is laynayso.

Halkaan ka dhegeyso Waresyiga Nabadoon maxamed jimcaale khayre

Xigashada codka Idaacadda alfurqaan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*