Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Alshabaab oo xalay Keliya sagaal weerar qaaday.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Xalay weeraro ku qaaday saldhigyo kala duwan oo ay degan yihiin qaarka mid ah Ciidamada shisheeye iyo kuwo ka tirsan Maamulada Soomaalida ah ee Shisheeyaha la shaqeeya.

Ilaa sagaal goobood oo ah dhufeyso aad loo ilaaliyo ayaa lala beegsaday weeraro qorsheysan waxaana la maqlayay diryaanka hubka la is weydaarsanayay.

Goobaha weerarada lagu kala qaaday waxay kala yihiin ,fariisin ku kala  yaala Magaalada Dhuuso Marreeb Gobalka Galgaduud, saldhig ku yaal Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay iyo , Awdheegle, Janaale, Baraawe iyo Qoryooley oo Shabeelaha hoose ka tirsan iyo Hosingow iyo Cabdalla Biiroole oo ka tirsan Gobalka Jubada hoose.

Waxaa muuqata in Alshabaab ay sii dardar gelineyso weeraradeeda oo habeenaadi iyo todobaadyadii iyo belihii tegay sii badanayaywaayna ka dhacayeen Gobalada Dalka gaarkood  ahaana Gobalada Jubada hoose iyo Shabeelaha hoose.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*