Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Wasiirka Dagaalka ee Maraykanka oo Muqdisho dhuumasho ku yimid

sii hayaha Xilka wasiirka Dagaalka Dowladda Maraykanka Christopher Miller ayaa shalay safar dhuumasho ah oo aan la sii shaacin ku yimid Muqdisho.

Waxa uu ka baqayay in Alshabaab diyaariso weerar asiga ka dhan ah haddii maclumaadka safarkiisa kus aabsanu baxo taas ayaana keentay in la qariyo imaanshihiisa.

Wasiirka ayaa la kulmay Ciidamada iyo saraakiisha Maraykanka ka jooga Soomaaliya in kastoo aan la shaacin waxyaabaha uu kala hadlayna waxaa loo badinayaa in uu fariin uga siday Madaxweynaha xilka ka degaya ee Maraykaka Donnal Trump oo sheegaya inta uu kursiga ku fadhiyo in uu Ciidamada Soomaaliya ka jooga u qaadi doono Dalkooda.

Maraykanka ayaa hogaaminaya Dagaalka Soomaaliya ka socda ee ka dhanka ah Shareecada Islaamka iyo inta ehelka u ah, waxaana warkiisa in uu Ciidamadiisa la baxayo la xariira xanuun wadno qabad ah ku noqday Dowladda Federaalka ah.

Soomaaliya waxaa Duulaanku jooga Ciidaamda wadamada Itoobiya, Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti, iyo kuwa Marayaknak iyo kuwo reer yurubka ah iyo kuwa kale waxaana Maraykanku yahay maskaxda haygeysa Dagaalka inkastoo Ciidamadiisa Soomaaliya jooga kooban yihiin.

iminaanshaha Wasiirka Dagaalka Maraykanka ee Soomaaliya wuxuu ku soo aadayaa xilii Warbaahinta Dalkaasu dhawaan shaacisay in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Sirdoonka Maraykanka u dhintay dhaawac ka soo gaaray dagaal todobaadyo ka hor dhex maray Ciidamo Maraykan ah iyo kuwa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin

michael goodboe ayaa ahaa Nin Dowladda Maryakanku aad ugu tasha jirtay waxaana dhimashadiisuna argagax gelisay Sarakaiisha kale ee ka howlgalka Gudaha Soomaaliya.

Shaabakadda amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*