Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Sarkaal Sare oo Federalaka ka tirsan oo Qarax lala beegsaday

Qarax ayaa saaka Magaalaa Muqdisho lagula beegsaday Sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka ah.

Maareyeeyaha Dekedda Muqdisho Axmad washington  oo hadafku in la dilo ahaa ayaa la sheegayaa in uu bad baaday laakiin khasaare kale ayaa goobta ka dhashay.

 

xog aan helnay waxay sheegeysaa in ugu yaraan laba askeri oo ilaalaadiisa ka mid ahaa dhinteen.

sidoo kale askar ilaalada ka mid ahayd ayaa la sheegayaa in ay Dhaawacyo soo gaareen loolana  cararay goob caafimaad si loogu daweeyo,Waxaana suura gal ah in khasaaruhu oo laba dhaawac ah lagu sheegay intaa ka badan yahay.

Ma jirto cid ilaa iminka sheegatay qaraxaan laakiin Xarakada Shabaabul Mujaahidiina ayaa ku caan baxday in ay weeraro iyo qaraxyo la beegsato Shisheeyaha Dalka ku soo duulay Iyo Soomaalida la shaqeysa.

Qaraxaanu waxa uu ku soo aadayaa Xilli duleedka Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu ka dhacay qarax weyn oo ay geysatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Waxay sheegtay in qaraxaas ay ku dishay xubno isugu jira saraakiil ciida iyo shaqaale dowladeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*