Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Weeraro hor leh oo Alshabaab qaaday iyo dilal iyo qarax

Ciidamada Xarakada Shababaul Mujaahidiin ayaa xalay qaaday weeraro ka dhan ah Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Gobalada Dalka qaarkood.

Diryaanka hubka ayaa xalay laga maqlay deegaanada Mashallaayo iyo Danow ee Gobalka shabeelaha hoose.

Sidoo kale weerar ayaa ka dhacay Janaale oo ay wada joogaan Ciidamada Shisheeye iyo kuwa Dowladda Federaalka ah.

Dhanka kale laba askeri oo ka tirsan Dowladda federaalka ah ayaa xalay lagu dilay duleedka deegaanka weydoow ee Magaalada Muqdisho.

Rag ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa fuliyay howl galka askartaan lagu dilay oo u muuqday mid qorshaysan.

Sidoo kale gudaha Magaalada Muqdisho Alshabaab waxay ka fulisay qarax lala beegsaday askar ka tirsan Dowladda federaalka ah.

Qaraxa ayaa xalay ka dhacay Deegaanka ka tirsan Degmada Xamar weyne waxana la aaminsan yahay in qaraxu khasaare sababay welow aanaan faah faahin dheeri ah ka helin.

Xamar weyne waxay ka mid tahay degmooyinka deriska ah ah Madaxtooyada waxayna xigtaa dhanka badda waana degmo ayku badan yihiin Ciidamada loogu tala galay in ay ka ilaaliyaan amniga xarumahaa iyo madaxda Dowladda federaalka ah sidaas oo ay tahay Alshabaab waxay ku guuleysatay in ay Ciidamadii Amniga u xil saarnaa qudhooda beegsato.

Dhanka kale Howl gal ka dhacay Shabeelaha dhexe Ciidamada Alshabaab ayaa shalay ku dilay Sarkaal la oran jiray Salaad Dalabeey kaasoo ka tirsanaa Saraakiisha Shabeelaha dhexe u qaabilsan Dowladda Federaalka ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*