Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Jihaadiyiinta oo weeraray saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

Weeraro culus ayaa markale lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin Koonfurta dalka Soomaaliya.

Xoogag jihaadi ah ayaa xalay weeraro culus ku miray dhowr saldhig oo kuyaal gobollada Jubbada hoose iyo Sh/hoose oo kamid ah meelaha ugu daran ee uu ka socdo halganka ka dhanka ah shisheeyaha soo duulay.
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay fiidkii weerar culus uu la kulmay saldhigga melleteriga Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingoow.

Weerar kale ayaa xalay saqdii dhexe lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin tuulada Qooqaani ee hoostagta degmada Afmadoow balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale Jihaadiyiinta ayaa xalay dhowr weerar ku qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin Arbacoow ee deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka Muqdisho.
XIGASHO SOMALIMEMO

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*