Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Qarax iyo dagaalo xalay dhacay

ugu yaraan laba askeri oo ka tirsanaa Maamulka Gobaleedka Puntland ayaa ku dhaawacmay qarax Xalay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka mudug.

Qaraxa oo ay geysatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lala beegsaday Bar Koontarool oo Ciidamado ku sugnaayeen.

Waxaa suura gal ah in Khasaaruhu intaas ka badan yahay, waxaana Ciidamada Puntland goor dambe Isbitaal u qaadeen askarta laga dhaawacay.

Dhinaca kale dagaalo ayaa xalay ka kala dhacay Magaalada Afmadow ee Gobalka Jubada hoose iyo Janaale oo Shabeelaha hoose ka tirsan.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa beegsaday dhufeysada Ciidamada Jubbaland ee Afmadow.
Sidoo kale Janaale oo ay fariisimo kuleeyihiin Ciidamada Shisheeye iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ayaa weerar lagu qaaday.

Geesta kale faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa dagaal habeen hore ka dhacay Deegaanak Sabiid ee Duleedka Degmada Afgooye.

Laba askeri oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah ayaa halkaa ku nafwaayay mid kalena waa ku dhaawacmay.

Sabiid iyo fariisimo kale oo badan ayaa habeen hore waxaa lagu qaaday weeraro kala duwan.

Shabkadda Amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*