Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Sarkaal Kenyaan ah oo lagu dilay NFD iyo dagaalo Gudaha Soomaaliya ka dhacay

Dagaal Shalay ka dhacay Deegaanka Amuume oo hoos taga Gobalka Gaarisa ee Dhuka Soomaalida ee Kenya gumeysato ayaa lagu dialy Sarkaalkii xukumayay Ciidamada hakaa ku sugan ee Kenya.

Xog a warbaahintu hayshay ayaa xaqiijineysa in Sarkaalkaan oo Kenyaati ah goobta ku nafwaayay ku xigeenkiisiina dhaawacmay.

Malateriga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerarku ekeeyay Ciidamada Kenya waxaana la aaminsan yahay in khasaaruhu intaa ka badan yahay.

Dhawaan ayay ahayd markii qarax ka dhacay Deegaanka Lafey oo isla dhulka Soomaalida Kenya haysato ka tirsan Alshabaab ku dishay 14 askeri oo Kenyaati ah 16 kalena ku dhaawacday.

Alsahabab ayaa sheegatay Ma’uuliyadda weeraraan Khasaaraha sababaay.

Kenya dhankeeda waxay xaqiijisay in weerar Khasaarooyin kala duwan sababay lagu soo qaaday Ciidamadeeda Amuuma jooga ayna jiraan askar dhimatay iyo kuwo ilaa iminka la la’yahay.

Alshabaab ayaa Saldhiga burburisay iyadoo hub iyo saanad kalena horay u qaadatay.

Dhinaca kale Xalay qarax ayaa Magaalada Kismaayo lagula beegsady Ciidamo ka tirsan Mamaulka Jubbaland lama soo warin haddii khasaare gaaray inta uu la eg yahay.

Gobalka Hiiiraan Ciidamada Alshabaab waxay weerareen saldhig ciidamada Hirshabeelle ee la shaqeeya Jabuutiyaanka Halkaa ka suganu ku leeyihiin Magaalada Buulo barde.

Sidoo kale Malatariga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerareen saldhigyo ciidan oo ku kala yaala Janaale Awdheegle iyo Bariire iyo Kudhaa oo ka kala tirsan gobolada shabeelaha hoose iyo Jubada Hoose goobahaasoo ay ku kala sugan yihiin qaarka mid ah Ciidamada Shisheeye iyo kuwa Soomaalida ah ee la shaqeeya.

Shalay ayay ahayd markii lix askeri oo ka tirsanaa Maamulka Koofur galbeed lagu dilay qarax iyo weerar ka dhacay dhacay duleedka Baydhabo lix kalena lagu dhaawacay.

Shabakadda amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*