Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

SAWIRO DAGAAL IYO DIBAD BAX KA DHACAY BELEDWEYNE.

Ciidamo ka tirsan Dowladda federaalka ah iyo kuwo taageersan Janaraal geedooday oo la yiraahdo Xuud ayaa saaka dagaal ku dhex maray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalak Hiiraan.

Labada dhinac ayaa isu adeegsaday Hub kala duwan iyadoo dhinac waliba isku dayayo in uu kan kale ka taag roonaado.

Lama soo warin kahsaaraha labada dhinac kale gaaray waxaase la aamisan yahay in dhimasho iyo dhaawacba ay jiraan.

Jananaka iyo Ciidamadiisa oo dablay deegaanka ah oo ay isku reer yihin garab ka helaya ayaa ka soo horjeeda in Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle iyagoo ku doodaya in ay Qbiil ahaan ku diidan yihiin sida ay warka u dhigeen.

Dhinaca kale Banaan bax Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ka dhan ah ayaa saaka ka dhacay Gudaha Magaalada Beledweyne waxaanuu ahaa mid rabshado wata.

Dadka ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Maamulka Hirshabeelle iyagoo wadooyinka dhagxaan ku gooyay.

Wasiirka Gudaha Dowladda federaalka ah Janaraal Muqtaar Xuseen Afrax oo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Cabdulllaahi famrajao uu u soo xil saaray in uu Cali Guudlaawe geeyo Beledweyne ayaa ku sugan Magaalada laakiin Xaalku waa mid Cakiran.

Waxaaa muuqata in Maamulka Hirshabeelle oo awalba tabar yaraa iminka uu sii kala tegayo ama uu khilaaf iyo dagaal dhexdiisa ah lugaha la sii gelayo.

Horay Magaaladaan waxaa dhawaan uga dhacay isu soo bax caynkaan ah iyadoo duleedkeedana ay ku dagaalameen Ciidamada Janaraal xuud yo kuwa iminka la dagaalamay ee Dowladda Federaalka ah.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*