Uncategorized

Askari Ka Tirsan DF oo Degmada Yaaqshiid Lagu Dilay.

Askari ka tirsan ciidamada DF ayaa lagu dilay isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid isagoo ku jira hawl maalmeedkiisii caadiga ahaa, waxaana ay dad goob joogayaal ah sheegeen in rag hubeysan ay ku dhufteen dhowr xabadood.

Markii uu dilku dhacay ayaa waxaa goobta isaga cararay dadkii shacabka ahaa oo ka cabsi qaba in la xiro ama dusha laga saaro dilka askariga. Daqiiqado kadibna waxaa goobta soo gaaray askar gurmad ah kuwaas oo qaaday meydka askarigan.

Usbuucyadii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho joogto ka ahaa dilalka, qaraxyada iyo weerarada tooska ah ee lagu qaado dowladda federalka ah iyo ciidamada shisheye.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*