Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Weeraro ka dhacay Gudaha dalka

Sarkaal Soomaali ah ayaa dhintay Dagaal shalay ka dhacay Duleedka Degmada Ceel waaq ee Gobalka Gedo, ka gadaal markii Xarakada Shababaul Mujaahidiinka ka hor tagtay Ciidamo Kenyaati ah iyo kuwa Soomaali ah loo la socday.

Warka ayaa intaa ku daray in gaari Ciidamada isbaysanayay wateen waxyeelo la gaarsiiyay.

Dhanka kale Xalay dagaal ayaa ka dhacay Xerada Baraxow ee Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo halkaasoo ay farisin ku leeyihin Ciidamo Suufiyo ah oo Itoobiyaanka Magaaladaas haysta ka barbar dagaalama.

Ciidaamda Xarakada Shabaaul Mujaahidiin ayaa weerar ku ekeeyay dhufeysyada Ciidamadaan faah faahin dheeri ahna kama helin haddii halkaa khasaare ka dhashay.

Geesta kale Xalay Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidin waxay weerareen fariisimo kale kuwaasoo diryaanka hubka laga maqlay.

Goobaha dagaaladu ka dhaceen waxaa ka mid ah, Arbacow iyo Buulo mareer iyo oo shabeelaha hoose ka tirsan laguna weeraray Ciidamada Shisheeye.

Sidoo kale waxaa la weeraray dhufeys Ciidamada Dowladda federaalaka ahu ku leeyihiin Calamada, Bariire iyo Awdheegle oo Shabeelaha hoose ka tirsan.

Waxaa ayagna weeraro la kulmay Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Beledweyne jooga iyo kuwa Jubba land oo ku sugan Deegaanka Hosingow ee Gobalka Jubada hoose.

Shabakadda Amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*