Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

weeraro cusub oo ay fulisay Alshabaab

Qarax ayaa xalay lala beegsaday Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka ah kaasoo marayay deegaanka Ceel gaabta ee Magaalada Muqdisho.
qaraxa ayaa haleelay gaari uu saarnaa wasiirka Beeraha waxaase la sheegayaa in uu ka badbaaday.
Xarakada Shababaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliayda qaraxaan oo si weyn looga maqlay gudaha Magaalada Muqdisho.
horay Xarakadu waxay Muqdisho iyo Meelo kaleba ugu dishay xubno Muhiim u ahaa Dowladda Federaalka ah iyo Maamul Gobaleedyada.
Geesta kale Ciidamada Xarakada Shababaul Mujaahidiin waxay xalay weerareen qaar ka mid ah Ciidamada Uganda oo ku sugan inta u dhaxeysa Deegaanada Shalaanbood iyo danow oo ka wada tirsan Shabeelaha hoose.
faah faahin dheeri ah kama aynaan helin haddii Khasaare halkaa ku gaaray Ugandheyska.

Shalay ayay ahayd markii inta u dhaxeysa deegaanada Janaale iyo Buufow oo ku yaalla Duleedka Marka qarax lagula beegsaday Ciidamo kale oo ugandheys ah kuwaasoo uu gaaray Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh welow aan faah faahin dheeri ah oo tirada rasmi ah la xariirta aanaan helin.

Shabakadda amiirnuur

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*