Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Sarkaal Cadaan ah iyo xubno kale oo ku dhintay qarax iyo Saraakiil ku dhaawacmay

ugu yaraan hal Sarkaal oo Cadaan ah iyo afar ka tirsan Ciidamada Danab la yiraahdo ee Maraykanku tababaray una shaqeeyay ayaa ku dhintay qarax Saaka ka dhacay Deegaanka Tixsiile ee Gobalka Shabeelaha hoose.
qaraxa waxaa barbar socday dagaal Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Ciidamadeedu la beegsadeen qolyaha la qarxiayay oo watay kolonyo gaadiid ah.

Taliyaha Ciidamada Danab Axmed Beeryare iyo taliyaha guutada 7aad Jeneraal Axmed Gaashaan ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa waxaana la dhigay isbitaal ku yaal xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho oo shisheeye cadaan iyo madow leh degan yihiin waxaana la sheegayaa in halkaa lagu dabiibayo.
Saraakiishaan ayaa halkaa lagu geeyay diayarad nooca qumaatig au kaca ah waxaana Masuuliyadda weerarkaan sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
taliye Beeryare ayaa la xaqiijyay in labada lugood ka go’een waxaana reja badan laga qabin in uu dib u shaqeeyo.
waxaa xusid mudan in ay jiraan Ciidamo kale oo qaraxa dhaawacyo ku gaareen.

Gudoomiyaha Shabeelaha hoose ee Maamulka Koofur galbeed Cabdulqaadir Siidii ayaa ka mdi ahaa dadkii weerarkaan dirqiga uga bad baaday.

waxay arintaani kus oo aadaysaa xilli Maraykanka Ciidamadaan dhimashada iyo dhaawaca noqday Tababaray Ciidamadiisa kala baxay Fariisimo ay ku lahaayeen Soomaaliya gaar ahaan Balli doogle oo Shabeelaha hoose ka tirsan intii ka hartayna uus ii daabulayo.

Ciidamadaan geerida iyo dhaawaca wajahay waxay ka mid ahaayeen ku dhibaatada ku hayay dadka muslimiinta ah gaar ahaan habeenkii ayay ku dheelma jireen dadka hurdaya iyagoo oofinaya awaamiirta Maraykanka ay u daacadda yihiin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*