Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Maamulka Gobalka Mudug oo ka hadlay qarax ka dhacay Gaalkacyo oo Khasaare sababay.

Maamulka Gobalka Mudug qaybta Puntland ay ka taliso ayaa Faah faahin ka bixiyay qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo Xalay ka ka dhacay dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo.
Godoomiyaha Puntland ugu magacaaban Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse nuur (Sanyare) iyo taliyaha Baliiska Puntland ee Mudug MuuminCabdi Shire ayaa sheegaya in laba qof ku dhimatay qarax Ciidamadooda oo magaalada Gaaf wareegyaya Xalay lala beegsaday.

waxay sheegeen in labada ruux midkood uu askeri yahay laakiin warar horay u soo baxay ayaa sheegayay in labaduba ay askar yihiin.

Gudoomiye Snayare ayaa sheegay in qaraxuhu aanuu aad u weyneyn laakiin Taliye Muumin ayaa warkiisa gaashaanka ku dhuftay oo sheegay in qaraxu ahaa mid weyn laakiin sidii qolada geysatay rabtay aaanuu waxyeelo u geysan.

marka ay hadlayeen waxay dul taagnaayeen askar dhaawacantay oo Isbitaal la dhigay iyadoo dhawaaqa qalabka dadka xaaladda deg dega ah adag ku la rakibo dhawaqiisa la maqlayay.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhaawacyadu fudud yihiin laakiin taliyaah ayaa wareysi uu bixayay ku sheegay in laba ka mid ah xaalkoodu daran yahay oo ay halis ku jiraan.

Xarakada Shababaul Mujaahidiin ayaa weeraro kala duwan horay uga fulisay Magaalada Gaalkacyo kuwaasoo ay ku dishay Saraakiil Muhiim u ahaa Puntland, Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah.

si gaar ah waxay u ugaarsataa xubnaha ugu dhibka badan Mamauladaan ka tirsan gaar ahaaan kuwa aad u bartilamaameedsada Dadka Towxiidka Ehelka ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*