Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Farmaajo oo la qasbay iyo shir uu qabanayo

Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee kursiga ku Mintidaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqbalay awaamiir ka soo baxday Shisheeyaha la baxay Beesha Caaalamka oo la xariirtay in si deg deg ah loo qabto shir Doorashooyin ku saabsan.
Qoraal ka soo Baxay Madaxtooyada Muqdisho ayaa lagu sheegay in 15 Bishaan Febraury Magaalada Garoowe loo qorsheeyay in Shir ka dhaco kaasoo ay isugu imaanayaan hogaanka Federaalka iyo kuwa Maamul Gobaleedyada,
Inkastoo Puntland horay u sheegtay in aanay Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweyne waqtigiisina dhamaaday hadana Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Danni oo ka mid ah dhinacyada Shisheeyuhu amarka siinayo ayaa soo dhaweeyay in Garowe lagu shiro.
Farmaajo waxa uu ku qasbanaaday in uu qaato amarada Reer galbeedka iyo saaxiibadooda kale oo warar ay dhawaan soo saareen ku sheegay in laga doonayo asiga iyo Hogaamiayasha Maamul Gobaleedyadu in ay Shir isugu yimaadaan ayna ku heshiiyaan in Doorasho ka dhacdo.

Farmaajo ayaa mudda dheer waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuliayay sidii uu waqti kororsi u samey lahaa laakiin arimahaas ayaa ka dhicisoobay markii waqtigiisu ka dhamadayna waxa uu damcay in uu iska joogo,laakiin kuwii markii horeba asiga meesha keenay ayaa Toosh ka daba qaatay oo ku qasbaya in Doorasho uu qabto.
Mucaaradka ayaa war ay Muqdisho ka soo saareen ku sheegay in Farmaajo aanay Madaxweyne u aqoonsaneyn loona baahan yahay in la sameeyo Gole ku Meelgaar ah oo arimaha doorashada ka shaqeeya,
Culeysyo kala duwan ayaa dhinacyada Siyaasadda ee Soomaalida ah uga imaanaya Milkiilayaasha Dowladda Federaalka ah oo ah Shisheeyaha Markii horeba iyada soo dhisay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*