Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Askar lagu dilay Qansax dheere iyo weeraro ka dhacay NFD, Hiiraan iyo Muqdisho.

Ugu yaraan laba askeri oo ka tirsanaa Ciidamada Maaamulka Koofur Galbeed ayaa Maanta ku dhintay qarax ka dhacay Gudaha Magaalada Qansax dheere  ee Goblka Baay ka gadaal markii qarax lala beegsaday.

qaraxa ayaa ka dhacay Goob isu imaatin ah oo ciidamadu fariisa jireen waxaana la aaminsan yahay in Khasaaruhu intaa ka badan yahay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan waxaana Ciidamadaani ka mid ahaayeen kuwa la shaqeeya Ciidamada Itoobiya ee Magaaladaas fariisimaha ku leh.

geesta kale Ciidamada Xarakada Shaabaabul Mujaahidiin ayaa Xalay Weerar ka fuliyay Gudaha Dhulka Soomaaliyeed ee NFD loo yaqaan ee Kenya Gumeysiga ku haysato.

weerar xoogan ayaa ka dhacay Saldhig Kenyaatigu ku leeyihiin Degmada Qorof Xaraar oo hoos tagta Ismamaulka Wajeer waxaana halkaa la isku weydaarsaday hub kala duwan faah faahin dheeri ahna kam helin haddii Khasaare gaaray Kenyaatiga.

 

Geesta kale Xalay weeraro ayaa lala beegsaday Ciidamada Jabuuti ee Fariisimaha ku leh Magaalooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Barde ee Gobalka Hiiraan.

sidoo kale isla xalay  fariisin Ciidamada Dowladda Federaalku ku leeyihiin agagaarka Iskuulka Maxamuud Xarbi ee Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho  waxay Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen Weerar kuwaas la mid ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*