Uncategorized, Wararka Gudaha

Ajnabi Ah oo Lagu Dhex Dilay Xarunta Hey’adda “UNICEF” Ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa galabta lagu dilay nin ajanabi ah oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda lagu magacaabo “UNICEF” kaas oo uu dilkiisu ka dhacay xarunya ay hay’addu ku leedahay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ninkan la toogtay ayaa wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xarunta ka howgala, waxaana goob joogayaal ay sheegayaan inuu dilkiisa geystay askari kamid ahaa ilaalada Soomaalida ah ee la shaqeeya hay’adda UNICEF.

Ninka dilka geytay ayaa la xaqiijiyay inuu goobta ka baxsada, ilaa iyo haddana lama oga sababta dilka ka dambeysa, waxaana ay wararku sheegayaan in ninka la dilay uu kasoo jeedo dalka Uganda.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda oo aad u careysan ayaa dhacdada kadib gaaray xarunta iyagoo ka daad gureeyay gabi ahaanba shaqaalihii ajnabiga ahaa.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*