Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

ALshabaab iyo weeraro dhiig ku daatay fulisay.

Ciidamada Xarakaada Shababul Mujaahidiin ayaa howlgal qorshaeysn ka fuliyay Gudaha Dhulka Soomaaliyeed ee Kenya ay gumeysato.
weerar ka dhacay Tuulada Sheekh Barrow oo hoos tagta degmada Lafeey ee Gobalka Mandheera ayaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Afka duubta ee weerarada ku qaada dadka Muslmiinta ah ee Kenya gumeysato.

Dilka Sarkaalkaan Kenyaatiga ah waxaa hadal haya Dowladda Kenya oo ka xumaatay iyo dadka deegaanka oo ku faraxsan maadaama uu dhibaato ku hayay.
geesta kale Xalay Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weeraro ku qaaday Ciidamada Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Kenya,
Midka ka mid ah weeraradaas waxa uu ka dhacay Deegaanka Taabto ee Gobalka Jubada hoose waxaana Ciidamada Alshabaab la beegsadeen kuwa Kenya.
Diryaanka hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa laga maclayay goobta weerarku ka dhacay waxaana la aamisan yahay in Kenyaatiga Khasaare lagu gaarsiiyay.

weerar kaas la mid ah ayaa isla xalay ka dhacay Degmada  Janaale ee Gobalka Shabeelaha hoose waxaana lagu qaaday Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Shisheeuhu tababaray ee Halkaas Fariisinka ku leh ee wehlinaya Ciidamada Uganad

inta la xaqiiyay hal Askeri oo Federaalka ka tirsanaa ayaa weerarkaa ku dhawacmay kaasoo labada gacmood xabado looga jebiyay.
Ciidamada Xarakada Shbaabul Mujaahidiin ayaa habeen walba weerara Shisheeyaha Dalka ku soo duualy iyo Soomaalida la shaqeysa intaba.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*